Sunday, August 27, 2017

DIGNIIN DIGNIIN !!! DHALINYAROOY.

Waxaa soo baxayo maalmahan urur dano gaar ah wato, kuwaas oo doonayo in maskaxda dhalinteena si tartiib ah ugu baarbaartan fikrado qiimo leh, urur dhalinyaro aan magaciisa la shaacineynin ayaa tababar u furay maalintii sabti aheyd taariikhduna ku beegneyd 26/8/2017, Ururkaas oo arday kasoo xushay jaamacada Muqdisho iyo Jaamacada City, iyaga oo sheegayo in tababar loogu magac daray ( Business idea ) micno ahaan ah ( Fikrad Ganacsi ).

Ujeedada tababarkaasna ay Tahay in si dhib yar u helaan fikrad ganacsi oo bilaash ah, iyaguna ku badashaan dhaqaale aad u badan, waxaan dhalinta ardayda ah ka codsanayaa in aysan fikradahooda mustaqbaleed aysan gacan gelinin, ayna ahaadan kuwa mar waliba qarsada waxa ay maagan yihiin mustaqbalka dhow, aad ugu fiirsada waxa aad sameyn doontaan.

Fadlan Gaarsi walaalka si uu ugu Diktoonado ururkaas.